R/W Xamza qarka u saaran inuu ku adkaado qorshihiisa xukuumad kooban oo tayo leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadiisa.

Maalmihii tagayXamza wuxuu la kulmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya si uu u waydiiyo talooyin la xiriira nooca xukuumadda munaasabka ku ah dalka marxaladdan adag.

Mowduuca ugu weyn ee miiska saaran waa tirada xukuumadda soo socota. Waxaa jira siyaasiyiin iyo qabiilo sheegtay ballan uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay maalmihii ololaha oo ah helista wasiiro dheeri ah. Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa laga soo wariyey inuu rabo dhismaha xukuumad kooban oo ku jaan go’an danta qaranka dalkana ka samata bixin karta maalmaha adag oo aan aheyn mid lagu qancinayo shaqsiyaad gaar ah ama beelo.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu rabaa in la eego tayada oo aan la eegin tirada ama qancinta shaqsi sidaas darteed  wuxuu diirada saarayaa miisaanka iyo xirfadaha dadka uu ka dhigayo wasiirada,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ku dhow dhow ra’iisul wasaare Xamza.

Xubno kamid ah kooxdii ololaha ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in tirada xukuumadda la gaarsiiyo illaa iyo 30 wasiir, taasi oo ka dhigan in la abuuro afar wasaaradood oo cusub. Si wasaaradahaas loo sameeyo waa in la kala jarayaa wasaarado horey u jiray.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli abaar ah, dhaqaalihii hoos u dhacay, sicirkii maciishada kor aaday oo uu qaranka u baahan yahay kab maaliyadeed iyo u dhimrin, iyadoo xaaladaas adag loo jeedo dadka maanta ololaha ugu jira in afar wasaaradood lasoo kordhiyo oo miisaaniyad gaar ah iyo xafiisyo loo unko waa kuwa danahooda ka hor marinaaya tan qaranka,” ayey leeyihiin falanqeeyaasha siyaasadda.

Aad ayaa loo dhaliilsan yahay isku dayga dal dhan dhaqankiisii dowliga ahaa iyo magacyada shaaca noqday ee wasaaradihiisa loogu badalayo dano saaxiibtinimo la xiriirta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu u dagaalamayaa inuu xukuumadda ku koobo 25 wasaaradood ama sida ay hadda tahay oo ah 26 wasaaradood. Haddii tiisa la raacayo oo la eegayo dan qaran waxaa la qaadan doonaa 25 wasaaradood oo ay shanta beelood ee wax loo qeybsado u heli doonaan mid 5 wasiir.

Haddii 26-kii wasaaradood lagu celinayo, reer Puntland ayaa laga yaabaa inuu aado wasiirka dheeriga ah oo ay soo kordhisay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Shiikh waa ku adkaan doontaa inuu Soomaalida u sharaxo inuu qancinta saaxiibadiis u abuuray wasaarado cusub. 30 wasaaradood iyo Soomaalida maanta ee la kaalmeeyo suurtagal maahan.

Illo muhiim ah waxay sheegayaan inuu ra’iisul wasaare Xamze ku dhow yahay inuu saaxiibadiis UPD ku qanciyo inaan wasaaradaha la kordhin oo aan xukuumadda tayada laga dilin. Haddii uu taas ku guuleysto waxay bilow u tahay inuu qorshooyin badan oo dowladnimada taabanaya ku qancin doono saaxiibadiis.

Xamza Cabdi Barre oo ay baarlamaanka Soomaalidu codka kalsoonida siiyeen 25-kii bishii lasoo dhaafay ee June ayaa heysta dhowr cisho oo dheeri ah si uu xukuumad usoo dhiso.