Danab oo dishay Shabaab badan soona bandhigtay mid nolosha lagu qabtay iyo hub

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa khasaare Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Lebikuus oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalkaas waxaana nolosha lagu soo qabtay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab wuxuu warbaahinta u sheegay in ragga la dilay uu ku jiray madixii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Degaanka Lebikuus ee kooxdaan lagu weeraray oo hoos taga Kismaayo, waxaa Al-Shabaab u taalay bar-control oo gaadiidka ay ku canshuuraan, sidoo kale waxaa deegaankaas la isugu gey jiray xoolaha ay ugu magac dareen Sekawaadka, ee dadka ay ka uruuriyaan.

Sarkaalka Danab ee ka hadlay howlgalkaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka furteen afar qori oo AK 47 ah iyo hal qori oo BKM ah, sidoo kale howlgalkaan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay guluf kooxda looga saarayo jubooyinka.