Siyaasadda Xasan Sheekh ee ku wajahan Kenya iyo Itoobiya iyo halista haddii ay dhacdo hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xafiiska ka tagay bishii February 2017-kii, iyadoo ay Soomaaliya heshiis la tahay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ah dalal si taban iyo si toganba u saameeya dadka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh wuxuu xafiiska kusoo noqday May 2022, iyadoo Kenya albaabada laga xirtay oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu dhow Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya, wuxuu dhigiisa Kenya ee Uhura Kenyatta la gaaray heshiis dhinacyo badan ah.

Afar wadan oo uu madaxweyne Xasan Sheekh booqday tan iyo markii dib loo doortay kuma jirto Itoobiya. Taliska Abiy Axmed si weyn ayuu ugu dhawaa madaxweynihii xilka ka dagay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin falanqeeyaasha gobolka waxay leeyihiin “dabeecada Itoobiya hadba waa inay la macaamisho hoggaamiyaha xafiiska jooga.”

Xasan Sheekh inuu hagaajiyo cilaaqaadka Kenya waa tallaabo bogaadin leh, balse waxaa aad loo eegayaa sida uu isugu hayo labada dal ee Kenya iyo Itoobiya. In labada wadan la isku hayo waxay Soomaaliya u noqon doontaa natiijo wax ku ool ah.

Madaxweyne Xasan wax badan sooma siyaadin doono haddii sidii Farmaajo uu labada wadan midna la heshiiyo, midna colaadiyo. Madaxweynahaan xafiiska markii labaad helay wuxuu ololaha kusoo galay inuu dhisayo siyaasad arrimo dibadeed oo aan cadaawad wadan, laguna saleenayo danta guud.

Inkastoo aysan sineyn faa’iidada ay labadaasi dal ee Kenya iyo Itoobiya ku qabaan dadka Soomaalidu iyo danaha uga xiran, hadana dhinaca kale waxaa macno sameeneysa in Kenya iyo Itoobiya ay labaduba ciidamo ka joogaan Soomaaliya oo ay muddo dheerna saameyn aan loo riyaaqin ku lahaayeen dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dagaalkiisa Kenya ku jaan gooyey arrimaha maamulka Jubbaland. Farmaajo wuxuu rabay in Axmed Madoobe la bixiyo laakiin Kenya waa diiday dalabkaas.

Inkastoo dagaalka Axmed Madoobe iyo Farmaajo mid deegaaneysan loo arkaayey, haddana in labada dale e Itoobiya iyo Kenya lala wada macaamilo iyadoo laga hor istaagayo faragelinta gudaha waa shaqo muhiim ah oo laga sugayo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka yaqaano falsafadaha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh waxay leeyihiin waa u badan tahay inuu madaxweyne Xasan ku guuleysan karo inuu labada isku hayo iyadoo mudnaanta macaamilka lagu saleenayo danta Soomaalida.

Dhowr bilood ka hor maxkamadda cadaaladda adduunka ayaa Soomaaliya u xukuntay inta badan biyihii lagu muransanaa. Heshiisyadii dhex maray Xasan iyo Uhura laguma soo hadal qaadin arrintaas, laakiin wargeyska daily nation ee kasoo baxa Kenya wuxuu sheegay in murankii Badda iyo go’aankii ka dambeeyey ee maxkamadda cadaaladda Adduunka in labadaba ay Kenya u rartay inuu go’aan ka gaaro madaxweynaha la dooran doono ee Kenya.

Dalkaan ayaa doorasho guud galaya 9-ka bisha soo aadan ee Agoosto. Rajada ah inuu madaxweyne Xasan Sheekh isku heyn doono dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Eritrea oo dhammaan ay dano badan wadaagaan Soomaaliya ayaa leh bilow wanaagsan.