Daawo: Macalimiin ka cabanaya DF iyo fadeexad dul-hoganeysa wasaaradda waxbarashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah macalimiinta Soomaaliyeed ayaa maanta dhigay banaanbax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya dowladda, kuwaas oo sheegay in maanta ay u tahay “Maalin Madow” sida ay hadalkooda u dhigeen.

Waxay sheegeen inay ka tirsanaayeen macalimiinta qaranka, balse shaqada laga ceyriyey, iyadoo aan loo sheegin sababta, isla markaana muddo labo bilood ah aysan qaadan mushaarkii ay dowladdu sii jirtay.

“Macalin diide dooni meyno” iyagoo ku qeylinaya ayey soo mareen maanta jidadka waaweyn ee caasimadda tobanaan ka mid ah macalimiintii laga ruqseeyey wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Macalimiintaan ayaa sheegay inay banaanbaxaan sii wadi doonaan ilaa ay ka helaan xuquuqdii ay ku lahaayeen wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, maadaama shaqada looga saaray sifo aysan garaneyn, isla markaana la dhageysa diiday cabashadooda.

“Macalin mahadsanid iyo iska tag nama qabato, waa nala dulmiyey, tani waa shahaado uu I guddoonsiiyey madaxweyne Xasan Sheekh” ayuu yiri mid kamid ah macalimiinta oo gacanta ku watay sawir laga qaaday isaga oo Xasan Sheekh shahaado ka guddoomaya.

Waxay sheegeen in macalimiinta qaar la bartilmaameedsaday, “Banaanbaxaan waa sii wadi doonaa, sharcigana waa la tiigsa doonaa dadka awoodda noo adeegsanaya,” ayuu yiri mid kamid ah macalimiinta maanta jidadka Muqdisho kula hadashay warbaahinta.

Waxay wagmaha ku wateen oo kor u taagayeen aqoonsiga ay ka heysteen guddiga shaqaalaha rayidka, taasi oo muujinaysa in xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda banaanka loo saaray, kuwaas oo weliba macalimiin ah.

“Iyadoo intaan oo macalimiin ah ay cabasho la taagan yihiin jidadka oo xuquuqdii laga jartay in maanta wasaaradda waxbarashada iyo madaxda qaranka ay dhahaan waxaan xuseynaa maalinta macalinka Soomaaliyeed runtii waa nasiib darro” ayuu yiri mid kamid ah macalimiintii hadashay.

Hoos ka daawo