Daawo Odawaa: Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada”

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta boqolaal ciidanka deegaanka ah kula hadlay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ku dhiira-geliyey dagaalka.

Jeneraal Odawaa ayaa ciidankaan kula kaftamay in aan looga hor marin qoryaha laga furanayo kooxda Al-Shabaab, “Qofkii dagaalka ka hara yuusan aniga i waydiin qanimada Al-shabaab laga soo furto,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Jeneraal Odawaa ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab ku hayeen shacabka Sh/Dhexe oo dadkii uu ugu tegay deegaanada la xoreeyey ay uga sheekeeyeen.

“Deegaanadii aan soo marnay qisooyinkii ay dadku nooga sheekeeyeen waxaa ka mid ahayd sheeko uu nala wadaagay nin oday ah, wuxuu yiri habeenkii caruurteyda oo aan casheyn ayey Al-Shabaab ii yimaadeen, waxayna igu xukumeen in aan bixiyo 100 dollar, markii aan mahayo iri waa I xirteen, ilaa aan ehelkeyga taleefan u diray oo lacagtii la iga baxshay,” ayuu yiri Taliye Odawaa oo ka sheekeynayey waxyaabihii ay dadku la wadaageen.

Taliyaha xoogga ayaa dadkaan hubka qaatay u sheegay in aysan aaminin qof kasoo goostay Al-Shabaab, isagoo kula taliyey inay dowladda u soo gacan geliyaan qofkii isku soo dhiiba, si loo dhaqan celiyo oo nidaamkii loo qorsheeyey inay maraan.

“Hadii Al-Shabaab bini’aadanimo halkaas ka istaagay, dhaqankii suubanaa iyo diinteena Islaamkana ay ku cayaarayaan, ilaahaan idinku dhaarshee maxaad u dhowraneysaan?” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Odawaa.

Hoos ka daawo