Daawo SAWIR dareen gaar ah kugu abuuraya oo laga sammeeyay fannaaniinta Xiddigaha Geeska

Muqdisho (Caasimada Online)-Sawirkaani ayaa lagu muujiyay dhibaatada gurcan ee Maamulka Somaliland ku heyso Bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Hargeysa.

Nuqulo qoraal ah oo la duldhigay Sawirkaani cusub ee lagu cabiray xarigii loo geystay Afartii Fanaan ee Showga maalintii koowaad ee Ciida ku dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu muujiyay in Maamulka Somaliland uu kala garan la’ yahay Siyaasada iyo Fanka oo laba kala madaxbanaan ah.

Sawirka ayaa waxaa sidoo kale la duldhigay qoraal yar oo ka turjumaayo sida Maamulka Somaliland ay kaga soo horjeedan dhar Baluug ah oo ay wateen Fanaaniintaasi jecel midnimada Somalia dharkaasi oo ka turjumaayo Calanka Somalia.
geeska copy