Somaliland oo sabab yaab leh u yeeshay xariga fannaaniinta xidigaha geeska & xog sheegeysa…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay xariga afar ka mid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska, ayaa qiil u yeeshay xarigooda, ka dib markii ay sheegtay inay u socdaalen Muqdisho, iyagoo ah shaqaale ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Fanaaniinta kala ah C/raxmaan Oday, Maxamed Axmed Cirro (Bakaal), Nimcaan Hillaac iyo Xamda Queen, ayaa barqanimadii maanta lagu xiray Garoonka Cigaal Ee Magaalada Hargeysa, xilli ay ka soo laabten Magaalada Muqdisho. Fanaaniintan, ayaa habeenkii 1-aad ee Ciidul Adxaa bandhig faneed ku qabtay Muqdisho, ka dib markii ay ka amba baxeen Magaalada Nairobi.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Axmed Faarax Cadarre, ayaa sheegay in Fanaaniintu ay Magaalada Muqdisho kaga qaybgaleen barnaamij liddi ku ah buu yiri madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Ku Xigeenka oo la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa tilmaamay in Fanaaniintu ay u baxeen safar ay sheegeen inay ku taggayan Magaalada Nairobi, balse ay markii dambe u baxeen Somaliya. Waxa uu intaa ku daray inay ka been sheegeen wixii ay kaga taggeen Magaalada Hargeysa.

Axmed Faarax Cadarre, ayaa intaa ku daray inay shaashadaha ka soo muuqdeen iyagoo huwan Calanka Somaliya, sidaasi daraadeedna ay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, taana ay keentay xarigooda, sida uu yiri.

Cadarre, ayaa ku waramaya Fanaaniinta iyo Siyaasiyiintuba inay ka duwan yihiin dadka kale ee caadiga ah, uuna jiro xeer qabanayo, isla-markaana ay Fanaaniintan horkeeni doonaan sharciga, maadaama sida uu sheegay ay xadgudub sameeyen.

Gudoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa sheegay inaanay iyagu xilligan wax mushaaraad ah ka qaadan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ka gadaal markii uu sheegay in Wasiirka Warfaafinta uu ka jaray, sida uu yiri.

Laabsaalax, ayaa ku waramaya inay isku mid u yihiin dhageystayaashooda ku kala sugan Magaalooyinka Boorama iyo Baydhabo, isla-markaana ay si isku mid ah ugu qabanayan bandhig faneedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com