Guddoomiye gobolka MUDUG ee PUNTLAND oo is-casilay iyo xiisad ka dhex oogan PUNTLAND.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Cabdi Qaadir Shire Faarax ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay kadib markii sida uu sheegay uu Maamulka Puntland gaar ahaan madaxda sare ay kala amar qaadan waayeen.

Qoraal kooban oo uu kusoo daabacay Baraha Bulshada, ayuu ku sheegay in uu maanta Warqadiisa is-casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxa’ed Cali Gaas.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha is casilay markii xilka loo dhiibayay in lagu wareejinayo Xafiisyada iyo Awoodda Gobolka taas oo aan ilaa hadda dhicin.

Cabdi Qaadir Shire Faarax oo ah Guddoomiyaha is-casilay ayaa diiday in si toos ah uu ula hadlo Saxaafada waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ay socdaan dadaallo lagu donayo in xafiiska lagu soo celiyo inkasta oo aan si dhab ah loo shaacin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com