Islamabad (Caasimada Online) – Diyaarad dagaal ee Pakistani ee lagu farsameeyay Shiinaha ayaa Arbacadii soo riday ugu yaraan laba diyaaradood oo milatari oo Hindi ah, sida ay u xaqiijiyeen laba mas’uul oo Mareykan ah wakaaladda wararka ee Reuters. Dhacdadan ayaa loo arkaa guul istaraatiiji ah oo muhiim u ah diyaaradaha casriga ah ee Shiinuhu soo saaro.
Afhayeen u hadlay ciidamada cirka ee Hindiya ayaa ka gaabsaday in uu wax faallo ah ka bixiyo marka la weydiiyay warbixinta Reuters.
Waxqabadka diyaaradda dagaal ee Shiinaha oo la barbardhigo quwadaha Reer Galbeedka ayaa si dhow looga eegayaa Washington, iyadoo la doonayo in laga fahmo sida Beijing ugu adkeysan karto dagaal suurtagal ah oo ka dhaca Taiwan ama guud ahaan gobolka Indo-Pacific.
Sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in ay jirto “kalsooni sare” oo ah in Pakistan ay adeegsatay diyaaradda J-10, oo Shiinuhu farsameeyay, si ay ugu rido diyaaradaha dagaalka ee Hindiya iyadoo adeegsaneysa gantaallo cirka ah – ugu yaraan laba diyaaradood ayaa la xaqiijiyay in la soo riday. Warbaahinta qaar ayaa werinaya in la soo riday shan diyaaradood.
Sarkaal kale ayaa intaa ku daray in mid ka mid ah diyaaradaha la riday ay ahayd diyaaradda Rafale ee Faransiiska uu sameeyey oo ay Hindiya dhowaan heshay.
Labada mas’uulba waxay carrabka ku adkeeyeen in aan la adeegsanin diyaaradaha F-16 ee uu Mareykanku sameeyay, kuwaas oo ay Pakistan leedahay.
New Delhi kama aysan hadlin khasaaraha diyaarado, balse waxay sheegtay in ay si guul leh u fulisay weerarro lagu bartilmaameedsaday “kaabayaal argagixiso” oo ku yaalla gudaha Pakistan.
Dawladda Maraykanka iyo quwadaha kale ee waaweyn sida Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku baaqay xasillooni, maadaama uu gobolkaasi ka mid yahay meelaha dunida ugu halista badan ee leh awooda nukliyeerka, isla markaana ay dad badan ku nool yihiin.
Faransiiska gudaheeda, shirkadda sameysa diyaaradda Rafale ee Dassault Aviation, iyo kooxda MBDA oo farsameysa gantaalka Meteor—lagama helin wax faallo ah maadaama uu dalka fasax qaran ku jiray.
Inkasta oo warbixinnadii hore ee Reuters ay soo xiganayeen ilo maxalli ah oo sheegay in saddex diyaaradood oo Hindi ah la riday, haddana tani waa markii ugu horreysay oo ilo Reer Galbeed ahi si rasmi ah u xaqiijiyaan in diyaaradaha Shiinaha laga keenay ay qayb ka ahaayeen weerarka.
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Maxamed Aasif, ayaa Khamiistii u sheegay Reuters in J-10 loo adeegsaday in lagu soo rido saddex Rafale oo Faransiis ah, kuwaas oo Hindiya dhowaan la wareegtay.
Pakistan waxay sheegtay in ay hawada ku burburisay guud ahaan shan diyaaradood oo Hindi ah.
Loolanka France vs China
Diyaaradaha Rafale iyo nooca J-10 ee ay Pakistan adeegsato ayaa labaduba lagu tiriyaa diyaaradaha dagaal ee jiilka 4.5—kuwaas oo hormuud u ah tiknoolajiyadda casriga ah ee cirka.
Falanqeeyayaal Reer Galbeed ah iyo ilo ka tirsan warshadaha difaaca ayaa sheegay in adeegsiga tooska ah ee hubkan horumarsan ay si dhow ula socon doonaan dalalka awoodda leh, maadaama ay suurtagal tahay in la adeegsan doono haddii dagaallo waaweyn ay ka dhacaan mustaqbalka. Si kastaba, waxay tilmaameen in ay wali tahay goor hore in natiijo laga soo saaro dhacdada.
“Khabiirada dagaalka cirka ee Shiinaha, Mareykanka iyo dalal badan oo Yurub ah waxay si xeel dheer isha ugu hayn doonaan xaqiiqada dhabta ah—xeeladaha, qalabka la isticmaalay, waxa shaqeeyay iyo waxa fashilmay,” ayuu yiri Douglas Barrie, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah (IISS).
Baraha bulshada ayaa si xooggan u faafiyay loollanka u dhexeeya gantaalka cirka ee Shiinaha, PL-15, iyo gantaalka Meteor ee ay farsameeyaan shirkadaha MBDA, AIR.PA, BAES.L iyo LDOF.MI.
Hase yeeshee, falanqeeyayaasha iyo ilo warshadeed ayaa sheegay in aysan wali caddayn in diyaaradaha Rafale ay sideen gantaallada Meteor iyo haddii ay ahaydba in la adeegsaday.
“Xilligan la joogo waxba lama saadaalin karo. Xogtu aad bay u kooban tahay,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan warshadaha difaaca ee Reer Galbeedka.
Hindiya iyo Pakistan oo ah dalal leh hubka nukliyeerka ayaa horey u galay saddex dagaal oo waaweyn iyo tiro badan oo iska horimaadyo ah.
Fiidnimadii Khamiistii, jug xooggan ayaa laga maqlay magaalada Jammu ee gobolka Kashmir ee Hindiya, iyadoo ilo ciidan ay sheegeen in ay u maleynayaan in weerar drone ah uu kaga yimid Pakistan, taas oo ku beegneyd maalintii labaad ee iska horimaadka labada dal.
Pakistan waxay horey u sheegtay Khamiistii in ay habeenkii xalay soo riday 25 drone oo kasoo duulay dhanka Hindiya, halka Hindiya dhankeeda ay sheegtay in difaaceeda cirka ay joojiyeen weerarro drone iyo gantaallo ah oo lala beegsaday xarumo ciidan.