DF oo soo qabatay hoggaamiyaha kooxda hoobiyaha ku soo weerarta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir oo soo bandhigay ninkii hoggaaminayay weerar hoobiye loo adeegsaday oo shalay lagu qaaday xarunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde.

Booliska ayaa shaaciyey in weerarkaas loo adeegsaday gantaallo macmal ah oo la doonayay in lagu qalqalgaliyo shacabka ku nool caasimadda Muqdisho.

War Qoraal ah kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri “25-6-2023 abaaro 11:30 am, ayaa Khawaarijtu waxay weerar gantaalo macmal ah ku qalqal galiyeen Shacabka Caasimadda, kuwaas oo aan wax dhibaato ah geesan.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Howlgal degdeg oo ay qaadeen ciidammada qaabilsan sugidda amniga caasimadda waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabe hogaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.”

Booliska ayaa ninkaas magaciisa ku sheegay Xuseen Cali Deerow Buule, waxaana qoraalkaan lagu sheegay in la horgey doono Maxkamada awooda u leh.

“Sidoo kale, ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali la ridin, waxaana gantaaladii lagu burburiyay goobta, halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan caawa ka soo baxay booliska Muqdisho.

Sida la aaminsan yahay in lasoo qabto ninkaan waxaa fududeysay in shalay la helay gurigii ay hoobiyaha ka soo dhex ridayeen rag ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo loogu tegay dhowr baalooto oo xabadaha hoobiyaha ah.

Boolisku ma shaacin sida lagu soo qabtay ninkaan iyo halka laga soo qabtay, balse Afhayeenka booliska ayaa shalay sheegay in guriga ay heleen ay dowladu gacanta ku sii heyn doonto ilaa inta laga soo qabanayo raggii deganaa ee hoobiyaha ka soo dhex ridi jiray.