DF oo amar ka dhan ah Al-Shabaab dul dhigtay mu’adimiinta masaajidda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ayaa soo saartay amarro Imaamyada iyo Khadiibyada masaajidda looga digayo inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda oo xoojisay amarro horay uga soo baxay ayaa soo saartay amarro seddax qodob ah oo digniin adag loogu dirayo culumada, gaar ahaan khadiibyada iyo imaamyada masaajidda.

Wasiiradda diinta ayaa culumada uga digtay inay la macaamilaan kooxda Al-Shabaab, sidoo kale amarkaan ayaa quseeya qof kasta oo doonaya inuu la macaamilo kooxda Al-Shabaab.

Qodobada ayaa u dhignaa sidaan:

1 – in habayaraatee wax marmarsiiyo ah aan loo heyn nooc kasta oo la macaamil Khawaarij ah.

2 – In Imaamyada, Khadiibyada, Mu’adimiinta iyo culimada kale ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha Khawaarijta ah, una hoggaansamaan awaamiirta dowladda.

3 – In dadka shacabka ah ay ka fogaadaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Khawaarijta oo mar walba bartilmaameed u ah dowladda.

Wasaaradda diinta ee XFS ayaan qoraalkaan ku shaacin sababta ka dambeysa inay soo saarto goodintaan ku socota culumada, gaar ahaan imaamyada iyo mu’adimiinta masaajidda dalka.

Wasiirka diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa loo arkaa nin muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, kaas oo taabanaya dhinacyada diinta, dhaqaalaha iyo furimaha dagaalka oo hormar muuqda ay dowladdu ka sameysay.

Hoos ka eeg warqadda