BEESHA CAALAMKA oo war culus kasoo saartay xiisadda magaalada Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ay uga jawaabayaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo maalintiisii labaad galay.

Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda baaq deg deg ah ugu dirtay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood, iyadoo lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka soo gaaray dadka rayidka ah.

Qoraalka ayaa ugu horeyn lagu yiri, “Saaxiibada beesha caalamka ayaa aad uga walaacsan rabshadaha haatan Laascaanood ka socda ee sababay waxyeellada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday Somaliland iyo dagaalyahanada beesha degta Laascaanood inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka oo la joojiyo xabadda, iyadoo si gaar ah shacabka loogu turayo.

“Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay beesha caalamka.

Xiisad adag ayaa ka taagan magaalada Laascaanood, tobanaan qof aya alagu dilay gacan ka hadal ka socda weli, kumanaan qoys ayaa ka barakacay, halka duqeyn culus oo Somaliland ay gudaha magaalada ka geysatay lagu laayey dad rayid u badan.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda magaalada, balse si cad u diidan in maamulka Somaliland uu sii xukumo Laascaanood ayaa ka dhex dagaalamaya magaalada, kuwaas oo ku guuleystay in qeybo badan oo magaalada ah ay ka saaraan ciidamada Somaliland.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay arrinta Laascaanood waxay ka istaagtay mowqif horay loo filayey, waxayna ku baaqday in dadka dagaalamaya ay is xaliyaan inta aysan dhiigooda dhulka isaga qubin.

Si lamid ah dowladda ayey beesha caalamku wadahadal ugu yeertay dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood, qadiyadda ka jirta deegaankaas waxay dadka falanqeeya siyaasadda ku tilmaamayaan in xalku uu ku imaan karo wadahadal oo kaliya.

Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.