Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa garoonka laga duuliyay dhaawaca Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maalmo un ka hor ku dhaawacmay iska hor imaan dhexmaray ilaalada taliyayaasha birmadka iyo booliska Puntland.
Wasiirka ayaa waxaa lagu qaaday diyaarad gaar ah, iyadoo lagu soo dabiibi doono magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Wasiirka oo labada garab laga hayo ayay kaamiradu qabaneysay taasi oo ka dhigan in dhaawaca Wasiirka uu yahay mid iska caadi ah oo aan darneyn.
Rasaasta ku dhacday ayaa la sheegayaa inay burburisay lafaha, balse aysan u geysan dhib kale.
Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca Wasiirka iyo shaqaaqadii ka dhacday Bosaso, ayaa waxaan wali ka hadal madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

