26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sawirro + Xog: Muxuu C/W Gaas u aaday Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online)- Wararka aan ka helayno magaalada Caasimada u ah dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali.

Wafdiga madaxweyne Gaas oo ay kamid yihiin wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland iyo xildhibaano baarlamaanka ah ayaa waxaa ay u tageen magaalada Jabuuti ka qeyb galka xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan dib loo doortay.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ka hor inta uusan ka duulin ayaa sheegay iney kulamo gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti, iyaga oo kala hadlaya arimaha Puntland.

Dhinaca kale waxaa dalka Jabuuti ku sugan Sheikh Shariif Sheikh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo isna la sheegay inuu ka qeyb gali doono xaflada caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geele ayaa lagu caleemo saarayaa dalkaasi Jabuuti, maadaama markale shacabka ay dib usoo doorteen, wallow xubnaha mucaaradka ay diideen qaabka doorashada u dhacday.

IMG_8084 IMG_8072 IMG_8060 IMG_8049 IMG_8048 IMG_8039 IMG_8027 IMG_8020 IMG_8015 IMG_8009 IMG_8007 IMG_7997

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News