Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo laga helaayo dhanka Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Dalka Abuukaate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf.
Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in Ilka-xanaf uu aqbalay Digreetadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh ee xilka looga qaaday Ilka-xanaf.
Ilka-xanaf oo saacadihii ugu danbeeyay Shir Jara’id ku dhex qabtay Villa Somalia, isaga oo cod dheer ku sheegay inuu ku qanacsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay.
Ilka-xanaf waxa uu shirkiisa Jara’id ku sheegay inuu diyaar u yahay in Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan si hufan kala shaqeyn doono howlihiisa inta uu ka fahmi doono kiisaska iyo dukumiintida u yaalla.
Sidoo kale, Ilka-xanaf ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu ka qanciyay sababta xilka looga qaaday sidaa aawgeedna uu raali ka yahay in xilkaasi laga qaado.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ayaa sheegay in uu xilka ku wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee la magacaabey, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo 6 maalmood ka hor iska casiley garyaqaanka guud ee Somaliland ka hor inta aan xilka lo magacaabin.
Haddalka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka iyo ogolaanshiyaha xil ka qaadistiisa ayaa timid, kadib markii uu kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen arrintaasi, kuna gaareen Go’aano aan si rasmi ah loo shaacinin.
Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

