Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo laga joojiyey isticmaalka hawada Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii ay ku mari jirtay hawada Soomaaliya, kuwaasi oo tagi jiray dalalka Aasiya, kadib markii dhawaan ay khatar ku gashay hawada gobollada waqooyi ee Somaliland.

Duullimaadyadii ay diyaaradaha shirkadaasi ku tagi jireen dalalka qaaradda Aasiya waxay ku mari jireen hawada Soomaaliya, balse hadda waa iska joojiyeen duulimaadkaas, kadib toddobaadkii hore ay isku dhici gaareen Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.

“Shirkadda ayaa go’aankaan gaartay, sababtoo ah maamulayaasha hawada Soomaaliya kama aysan helin adeegga duulista hawada oo ammaan ah,” ayuu yiri Mesef Tase oo ah maamulaha guud ee shirkadda oo BBC la hadlay.

Maamulaha ayaa cadeeyey in go’aankaasi uu la xiriiro khatartii ay ku galeen hawada Soomaaliya maalmo ka hor, “Iyadoo la raacayo hab-dhaqanka caalamiga ah, waxaanu ku wargalinay hay’adaha duulista rayidka ee ay qusayso marka shil noocaan uu dhaco, waxaa lagu wargeliyay hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya iyo Itoobiya, balse ma aanaan helin wax jawaab ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maamulaha ayaa si cad ugu dhawaaqay in go’aanka shirkadda Ethiopian Airlines uu yahay in hadda kadib aysan adeegsan hawada Soomaaliya, sabab la xiriirta ‘badqabka diyaaradahooda’ sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay inay isticmaali doonaan waddooyin kale, iyada oo la eegayo bad-qabka, “Waxaa noo furan inaan isticmaalno hawada wadanka Jabuuti, iyada oo qarash dheeri ah uusan naga bixin” ayuu hadalkiisa ku sii daray maamule Mesef Tase.

Dhinaca kale, Maamulaha Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa caddeeyay in duullimaadyadii ay ku tagi jireen Muqdisho iyo Hargeysa aysan waxaba iska baddali doonin oo ay sidoodii yihiin, isla markaana aysan wax dhibaato ah ka jirin taas, sida uu sheegay.

Labo diyaaradood oo shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways ay kala leeyihiin ayaa isku dhici gaaray toddobaadkii hore, kadib markii maamulka Somaliland uu qalqal ku furay isticmaalka hawada gobollada waqooyi, balse nasiib wanaag, qadar aad u yar ayey ku kala badbaadeen diyaaradahaas oo siday rakaab badan.

Go’aanka Ethiopian Airlines ayaa imaanaya xilli Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku dagaaleen damaca badda Soomaaliya uga jira Itoobiya, xiisadaas ayaa gaartay mele sare, waxayna cilaaqaadka labada dalka ku sii yeelaneysaa saameyn badan.