Dr. Fuje: Isbitaallada Xamar midka ugu yar waxaa COVID-19 laga helay 50 shaqaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu aad u saameeyey dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoo walaac badan ka muujiyey sida xowliga ah ee cudurkaas uu ugu sii faafayo dalka.

Dr. Fuje ayaa sheegay in xanuunkaas uu ku dhacay dhakhaatiir badan, isbitaalada waaweyna midka ugu yar uu uga dhacay illaa 50 qof oo shaqaalaha caafimaadka ah.

“Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan”ayuu yiri Dr. Fuje.

Dhakhtarka ayaa ku taliyey in dadka waaweyn ay guryaha joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan dhalinyarada ay waalidka u yihiin oo ay macquulka tahay inay cudurkaas u keenaan, maadaama ay iyagu u nugul yihiin.

Dadka illaa hadda gudaha dalka ugu dhintay cudurkaas ayuu sheegay inay u badanyihiin dad da’doodu ay ka weyntahay 50-sano jir.

Sidoo kale waxa uu aad ugu cel-celiyey Dr. Fuje in qof kasta uu xirto Maasgaraha afka lagu duubto, isagoo dadka ku shaqeysta Harqaamada kula taliyey, inay ka dhigtaan shaqa abuur oo ay sameeyaan maaskaraha afka lagu xirto, oo sida uu sheegay gaashaan weyn u noqon karta cudurka COVID-19.

In lakala fogaado ugu yaraan hal mitir, laguna dadaalo nadaafadda ayuu mar kale dhakhtarku kula dardaarmay bulshada. Si buu yiri ‘loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID-19 oo kusii faafaya gudaha dalka’.

Halkan ka Daawo