Isbar-bar dhig: Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, xiligii Rayaale iyo Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka ayaa xiligan u muuqda mid hoos udhacay, xili ay Mas’uuliyiinta Somaliland ay aaminsan yihiin in uu xidhiidhka labada dhinac uu hoos uga dhacay meeqaamkiisi hore.

Caasimada Online ayaa isbar-bar dhig ay ku sameysay xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, xiligii Madaxweyne Daahir Rayaale iyo Muuse Biixi, ku ogaatay in xukuumadihii Kulmiye ay gebi ahaanba lumiyeen xidhiidhkii adkaa ee labada dhinac.

Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa waqtigii uu talada Somaliland hayey safar ku tagay dalka Mareykanka, isagoona kulamo la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Mareykanka ee xiligaasi, midaasi oo uu si weyn u cambaareeyay Madaxweynihii Soomaaliya ee waqtigaasi, Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Arrinkaasi oo Somaliland markii u horeysay u suurtagaliyey in magaalada Hargeysa ay ku soo dhaweyso oo safar uu ku tago Kaaliyihii Mareykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer sanadku markuu ahaa 2008-dii.

Socdaalkaasi ayaa xiligaasi u noqday Somaliland guul ay indhaha caalamka ku soo jeesato, midaasi oo horseeday in saxaafada caalamku ay qaado dhigto dalkaasi yar ee raadinaya aqoonsiga caalami ah.

Madaxweyne Rayaale ayaa dowlada Mareykanka xiligaasi ka dalbaday inay gacan weyn ka siiso howl-gal ay midowga Afrika dhexdiisa uga dhex raadineysay aqoonsi, sida ay faafisay shabakada siraha kashifta ee Wikileaks.

Rayaale ayaa ku doodi jirey in Somaliland ay gebi ahaanba ka gudubtay khilaafkii colaadaha ee Soomaaliya la daala-dhaceysay, isla markaana ay Somaliland ay istaahisho in la siiyo aqoonsi caalami ah oo ay ku noqoto dal madax-banaan.

Haddaba, xiligan uu talada hayo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa u muuqda in uu dhulka galay xidhiidhka meeqaamkiisu sareeyay ee Somaliland iyo Mareykanka, oo mar rajo laga qabay in uu horseedi karo inay Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.

Madaxda ugu sareysa Somaliland ayaa hadda lagu eedeya inay gebi ahaanba lumiyeen dhamaan fursadihii ay xidhiidh adag ula sameysan lahaayeen dalalka caalamka ee quwadaha leh, isla markaana awoodoodii ku koobnaatay dhaleecaynta beesha caalamka iyo inay u xaglinayaan dhanka dowlada federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhowr jeer eedeymo dusha uga tuurtay Danjire Yamamoto oo ku sugan Muqdisho, iyadoo ku eedeysay inuu uleexiyay gebi ahaanba mucaawinayoonkii dowlada federaalka ee ka talisa Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa in xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay gebi ahaanba lumisay xidhiidhka ay xukuumadii Riyaale la laheyd Mareykanka, ay tahay inay ka urineyso in uu Mareykanku xiligan diyaar u aheyn inuu ku taageero dadaalada aqoonsi raadiska, oo xiligii Rayaale uu culeys weyn saaray sidii uu Mareykanku u gadaal uga riixi lahaa.

Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah u taageerta dowlada federaalka Soomaaliya, midaasi oo Somaliland ay u aragto in uu Mareykanku duulaan ku yahay madax-banaanida ay ku doodeysay mudada badan.

Waxaana xusid mudan in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, dhowr jeer oo uu safar ku tagay Hargeysa, uusan marnaba Madaxweyne Muuse Biixi ku soo hadal qaadin in uu Mareykanku qeyb ka noqdo dadaalada ay beesha caalamka kaga baadi-goobayaan Ictiraafka, balse arrinka kaliya ee ay ka wada-hadlaan uu ku qotomo doorashooyinka iyo taageero maaliyadeeda oo kaliya.

Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa u muuqata inay mareyso meeshii u hoseeysay xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye, inkasta oo tii Siilaanyo ay weli rajo ka qabeen shacabku Ictiraaf raadinta, inkasta oo uu hadda gabalkeedu dhacay.

Madaxda Somaliland qaarkood iyo Odayaal dhaqamadkeeda ayaa xiligan u muuqda kuwo ka quustay in Somaliland ay hesho madax-banaani, iyada oo dhowaana ay isasoo tarayeen baaqyada dib loogu dalbanayo midnimada umadda Soomaaliyeed.