Erdogan: In fashilka heysta Yurub aysan musliimiinta ahayn ayaa caddaatay

Istanbul (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Turkey Mr Erdogan ayaa jeediyay khudbad kale oo uu kaga hadlayay arrimo badan, waxaana uu si cad u sheegay in dhibaatada amaan iyo mida dhaqaale ee taala dalalka Yurub inaysan sabab u aheyn Muslimiinta iyo dadka tahriibka ah, balse shacabka Reer Yurub ay ka dambeeyaan.

“Amni darada iyo dhaqaalaha ay jecel yihiin kama aysan bilaaban inay xumaadaan marka Muhaajiriinta ama Muslimiinta u tageen, laakiin muwaadiniintooda ayaa u wacan”sidaasi ayuu Erdogan oo Banaanbax dad badan ka qeyb galeen ka hadlayay.

Isaga oo ka hadlayay sida uu uga walaacsan yahay arintaan, ayuu sheegay in muuqaalka Dibad baxayaasha Yellow Vest uu muujiyay in Dalalka Yurub ku guul dareysteen Dimuqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo xorriyadda.

Wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ay geysteen dibad baxayaasha iyo dhibaatada ciidamada u geysteen inta ay banaanbaxayeen, iyadoo loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo waxyaabo kale, waxaana dibad baxa uu ka dhacay dalka France.

700 oo kamid ah banaanbaxayaasha ayaa lagu xiray magaalada Paris ee dalka Faransiiska maalintii shalay, waxaana booliska ay adeegsanayeen agabka looga hortago banaanbaxa.

Hadalkiisa ayaa u muuqda in dadka muhaajiriinta ah ee tagay dalalka Yurub inaysan dhibaato ku heyn, balse shacabka u dhashay dalalka Yurub ay yihiin dhibaatada amni daro iyo midda dhaqaale ee dalalka Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Turkey
Caasimada@live.com