Tallaabada uu qaaday Abiy Ahmed oo farriin tuhun leh u dirtay Farmaajo & Afwerki

Waxaa shalay Itoobiya tegay oo lagu soo dhaweeyey labada Madaxweyne ee Djibouti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Al Bashiir.

Ujeedka booqashada labada hoggaamiye ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid laba weji leh, 1 – Ka qeybgalka Madaar cusub oo Ismaamulka Oromada magaalo ka mid ah laga furayey 2 – Xoojinta xiriirka saddexda dal.

Hadaba farriin ceynkee ah ayey arrintaas u dirtay Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea?

Caadiyan wax weyn kuma jabna in Abiy Ahmed uu qaabilo hoggaamiyeyaasha labada dal ee Djibouti iyo Sudan oo ka maqnaa kulamadii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya balse waxaa jira su’aalo badan oo is weydiin mudan.

Waxaa aad loola socday is bedelka mandiqadda oo ay bartitaarayeen saddexda hoggaamiye ee kala ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isias Afwerki balse loo ol’oleenayey in lagu ballaariyo Djibouti iyo Sudan xataa Kenya.

Haddii ay sidaas tahay, oo uu Ahmed kala hadlayey Ismaaciil Cumar Geelle iyo Bashiir aaway doorkii madaxda Soomaaliya iyo Eritrea, Malaga talo geliyey?

Sida muuqata Abiy Ahmed waxa uu dheelayaa siyaasad uu gobolka ugu atooreenayo oo uu dhinac walba rabo in uu isaga saameynteeda yeesho taas oo shaki galin karta niyad wanaaggii lagu soo dhaweeyey is bedelka uu bilaabay markii uu talada dalka yimi.

Saadaal la’aan ku gadaaman siyaasaddiisa dhabta ah

Kulanka ay Madaxda Djibouti iyo Sudan Itoobiya kula yeelanayaan Raisul Wasaraha waxa ay hubanti la’aan iyo saadaal la’aan ka bixineysaa siyaasadda Abiy Ahmed maadama aan dhabtii la aqoon ujeedooyinkiisii daahsoon.

Maxaa la gudboon hoggaamiyeyaasha gobolka siiba Soomaaliya?

Waxaa xaqiiq ah in bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba walaac badan ka muujiyeen wejiga cusub ee aan wax badan la ogeyn ee Abiy Ahmed oo dadka qaar ugu yeereyn Itoobiya oo marsatay TURUKO ‘Make Up, taas oo jirta, hoggaanka hadda ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ka feejignaadaan wax walba oo oo berry u dhibaato u horseedi kara dalka si wanaagsanna isaga baandheeya heshiisyada iyo wada xaajoodyada ee ay yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ee u muuqda mid aan siyaasad ahaan FADHIN.

Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya waxaa habboon in ay tashi qaran “National Dialogue” sameeyaan oo ay talada wax ka siiyaan bulshada qeybeheeda kale.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid