Furitaanka wejiga labaad ee shirka GALMUDUG oo hal shuruud ku xiran (XOG)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xili la filayay in uu soo furo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiinta Galmudug.

Caasimada Online, ayaa ogaatay in wejiga labdaad ee shirka dib u heshiinta Galmudug uu furmi doono dabayaaqada bisha 10-aad ee sanadkaan, sida ay qorsheysay dowladda Soomaaliya, waxa uuna gaab geli doonaa muddo bil ah.

Sababta arrintaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ka mid ah beelaha daga Galmudug ay caleema-saar u qaban doonaan hoggaankii ay ku doorteen magaalada Hobyo ee gobalka Mudug.

Xildhibaano, odayaal, siyaasiin iyo madax kale ayaa lagu casuumay caleema-saarka Prof. Shirwac, oo dhowaan loo doortay Guddoomiyaha Golaha hoggaaminta Galmudug.

Caleema-saarka Shirwac ayaa dhacaya 10-ka Oktoober ee sanadkaan, waxaana hakad geli doono wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheysa culeesyo badan oo uga imaanaya qaar kamid ah beelaha daga Galmudug, culeyskaas oo ku saabsan rabitaano isdiidan oo ku saabsan dhismaha Galmudug cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com