Somaliland oo war ka soo saartay weerarkii xarumaha shidaalka Sacuudi Carabiya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta ka hadashay weerarkii dhowaan lagu qaaday xarumo shidaal oo ku yaala dalka Sacuudiga.

Wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland, oo soo saartay war qoraal ah oo ku qornaa luuqada Carabiga, ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay si weyn uga xuntahay weerarkii dhowaan lagu qaaday xaruumaha shidaal ee ku yaalay Sacuudiga.

Warkan ka soo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay Somaliland mar-walba barbar taagantahay dowlada iyo shacabka Sacuudiga, iyadoona weerarkaasi ku tilmaamtay mid bahal-nimo oo ay fulisay ‘Argagaxiso’.

Weerarkaasi lagu qaaday labo xarumood oo laga soo saaro saliida shidaalka ayaa waxa Mas’uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen, laakiinse Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa isaguna sheegay in weerarkaasi ay ka dambaysay Dowladda IRAN, isagoo ka dhawaajiyey in aanay jirin caddaymo sheegaya in Xuutiyiintu weerarkaasi qaadeen.

Si kastaba, Weerarkaasi ayaa waxa loo adeegsaday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuwaasi oo geystay khasaare laxaad leh, midkaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sacuudiga uu hoos u dhaco illaa 5.7 Million Barmiil, sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta ee dalkaasi Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com