Warbixin: Diinsoor waxaa ka taliya kaligiis taliye dila qofkii ka soo horjeesta

Diinsoor (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee la soo dhaafay magaalada labaad ee caasimada u ah gobalka Bay ee Diinsoor, waxaa lagu dilay tobaneeyo dad ah, sidoo kale waxaa magaalada laga masaafuriyay dad kale, halka qaar kalane ay xabsiyada magaalada ku jiraan.

Diinsoor waxay ku jirtaa gacan adag, waxaana maamula hal qoys oo xukunka ka dhigay boqortooyo hoostimaada islamarkaana handada oo dila dadka ka horyimaada. Qoyskaan ayaa garab ka heesta ciidamada Itoobiya ee magaalada ku sugan.

Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow, oo ku magacaaban Diinsoor ayaa lagu eedeeyay gadoob fallo waa wayn iyo dilka dad shacab ah oo degmada ku nool.

Shikshigow, waxaa sidoo kale maamulkiisa ka tirsan wiilal uu dhalay oo laba ah, gabar la dhalatay xaaskiisa, gabar ay walaalo yihiin iyo dhalinyaro uu adeer u yahay waxaana dhamaantood ay ka mideysan yihiin toogashada, tarxiilka iyo cabsi gelinta dadka ka soo horjeeda.

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore xilka uga qaaday Shikshigow balse balse waxa uu magaalada u diiday in uu soo galo guddoomiyii lagu badalay, isagoo ugu hanjabay dil.

Xildhibaan hore oo BF Soomaaliya ka tirsan oo magaalada Muqdisho ku sugan ayaa noo sheegay in cabsi uu uga soo baxay Diinsoor, sidoo kale tobaneeyo dad ah oo ku sugan Muqdisho islamarkaana cabsi uga soo cararay Diinsoor ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto dhibaato aan lagu baraarugsaneen.

Dadka aan la hadalnay waxaan qarinay magacyadooda sababo dhanka amniga, waxaana ku jira qaar hadda ku sugan Diinsoor. Guddoomiye Shikshigow waxa uu diiday inuu arintaan ka hadlo, waxa uuna sidoo kale warbaahinta uu ka mamnuucay xubnaha maamulkiisa.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan Diinsoor ayaa door wayn ku leh dhibaatooyinka Diinsoor waxayna maamulka ka gacan siiyaan xadgudubyada ka dhaca degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com