Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ay miino kula qaraxday Bacaadweyn

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayey Miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay isku hor fadhiyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ee loo yaqaan soo boodada ayaa waxay qabsatay gaari mini-bas ah/hoomeey ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhaxeyso deegaanada Bacaadweyn iyo Qeycad.

Inta la xaqiijiyey illaa 2 qof oo saarnaa gaariga ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamayay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka daraawiishta Galmudug, waxaana aagga lagu dagaalamayo miinooyin ka buuxiyey kooxda Al-Shabaab oo ugu talagashay inay la beegsato gawaarida ciidamad Dowladda.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Gobolka Mudug ka wado dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo lagu doonayo in Gobolkaas looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab oo bilooyinkii dambe aad ugu soo xoogeysaneysay.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan deegaanka Bacaadweyn oo ay dib ugala wareegeyn ciidamada Dowladda, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaal halkaas ku dhex maro iyago iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.