26.5 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Galeyr oo looga yeeray Addis Ababa iyo Ethiopia oo wadda qorshe cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay u yeertay Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr oo waayihii danbe ka gadoodsanaa DF, Somaliland iyo Puntland.

Galeyr ayaa la sheegay in iminka uu gaaray magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, isagoo halkaasi ay ku qaabileen madax ka tirsan Dowlada Ethiopia.

Wadahadalka Dowlada Ethiopia iyo Galeyr kadib ayaa waxaa lagu wadaa in halkaasi lagu wada kulansiiyo Cali Khaliif iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Somaliland kuwaasi oo iyaguna si gaara uga wadahadli doona amuuraha labada dhinac.

Wadahadalka Galeyr iyo Somaliland oo ay garwadeenka ka tahay Ethiopia ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xal ka gaarista khilaafaadka labada dhinac.

Ethiopia ayaa ku dadaaleysa isku soo dhaweynta labada dhinac, iyadoo ka duuleysa miisaan Siyaasadeedkeeda ku aadan dhismaha iyo kawarqabka Somaliland.

Ma jirto qodobo rasmi ah oo ku aadan wadahadalkaasi oo ay soo bandhigeen labada dhinac ee uu wadahadalka u dhexeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News