Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa dhowr sanno kadib dib ugu laabtay beertiisa, kadib markii uu garwaaqsaday inuu fasho misna uu dib u habeyn ku sameeyo beerta.
Yoweri Museveni, waxa uu beertiisa sii joogi doonaa muddo isbuuc ah, isagoo intaa kadib dib ugu laaban doona Madaxtooyada dalkaasi.
Warbaahinta caalamka ayaa si’aad ah u hadal heysa howsha cusub ee uu dib ugu biiray Yoweri Museveni.
Yoweri Museveni, ayaa la baahiyay isagoo riixaaya baaskiil uu saaran yahay caag ay ku jiraan Biyo uu waraabka ku fushan lahaa.
Yoweri Museveni, ayaa waxaa falashada beertiisa ku wehlinaaya qaar kamid ah Qoyskiisa, Ilaaladiisa iyo Beeraaley kale oo ay saaxiibo hore yihiin.


