Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga laabtay go’aankii ay horay ugu diideen in ay wada-hadal toos ah la galaan dowladda, iyagoo meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, isla markaana ku dhawaaqay in ay si buuxda uga qayb-gelayaan shirka ka dhacaya xarunta Madaxtooyada.
Go’aankan dib-u-soo-nooleynta ah ayaa kasoo baxay kulan xasaasi ah oo xubnaha Golaha oo ay ku midaysan yihiin madaxda maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ay galabnimadii Sabtida ku yeesheen xeyndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa soo afjareysa is-mari-waagii labadii maalmood ee la soo dhaafay hakiyay wada-xaajoodka, kaas oo salka ku hayay shuruudo ay kamid ahaayeen in aanay hor fariisan guddi wasiirro ah haddii uusan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud goobjoog ahayn, iyo khilaafyo la xiriiray arrimaha farsamada.
Intii uu shirku socday, xubnaha golaha ayaa isku raacay in aan dhexdooda lagu kala qaybsamin ajandaha, iyagoo wixii farsamo ah dib u dhigay si xoogga loo saaro nuxurka guud.
Waxay sidoo kale isla garteen saddex qodob oo xasaasi ah oo ay la tegayaan shirka Villa Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; in Dastuurka dalku uu yahay kii la ansixiyay sanadkii 2012-kii iyadoo wax-ka-beddel kasta oo dhowaan lagu sameeyayna loo arko waxba kama jiraan, in maamul goboleedyada waqtigoodu dhammaaday ay durbadiiba qabsadaan doorashooyin dadban, iyo in Dowladda Federaalka ah ay qabato doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Is-afgaradkan dhexmaray xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la rumeysan yahay in uu salka ku hayo dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu labadii maalmood ee la soo dhaafay waday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Taliyaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay xubno ka tirsan golaha si meesha looga saaro caqabadaha, iyadoo haatanna indhuhu ku jeedaan dhanka madaxtooyada oo jawaab laga sugayo si loo dhaqaajiyo wada-hadallada.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Xaaladdan murugsan ee dhanka siyaasadda ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli ay qaybo kamid ah dalka ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay abaaro baahsan, taas oo si xooggan u saameysay nolosha dadka iyo duunyada intaba.

