Gudoomiye caawa lagu dilay Baydhaba iyo wasiir ka tirsan K/Galbeed oo la weeraray

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxay sheegayaan in caawa la weeraray guriga wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, sidoo kalena la dilay guddomiyihii xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Baydhaba.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah koox ku gubeysan bastoolado ayaa dishay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo koobay Cabdirisaaq, kaas oo guddoomiye ka ahaa xaafadda Saaru-Salaam oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhaba.

Dhanka kale weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa isla caawa lagu qaaday guriga uu magaaladaas ka degan yahay wasiirka arrumaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi.

Ilaa hadda mid jirto cid soo werisay wax khasaare ah oo ka dhashay bamboo-gacmeedkaas lagu weeraray guriga wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxaa naloo xaqiijiyey in wasiirka aysan waxaba soo gaarin.

Sawirro laga soo qaaday halka ay guriga kaga dhaceen bambaanooyinkaas ayaa muujinaya burbur xoog leh oo ka dhashay weerarkaas.

Xaafad lagu magacaabo Lugabaxdi oo ka mid ah xaafadaha magaalada Baydhaba ayuu ku yaalla guriga wasiirka ee caawa lagu weeraray bambooyinka gacanta laga tuuro.

Dadka ka agdhow goobta waxay noo sheegeen in kooxdii weerarkaas fulisay ay goobta isaga baxsatay, waxaana caawa xaafadaas iyo xaafadaha kale ee ka agdhow ka socda baaritaano ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

Hoos ka eeg sawirada guriga la weeraray