Askari si jees-jees ah u dilay maamo da’ ah kadibna diiday in la bad-baadiyo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay Hooyo Khadiijo Maxamed Nuur oo aheyd haweeney da’ah.

Askariga ayaa haweeneydaan dilay waaberigii hore ee Jimcihii saakay, isagoo diiday in loo qaado goob caafimaad, taas oo keentay in dhiig-bax ay ugu geeriyooto goobta.

Haweeneyda la dilay oo da’deeda lagu sheegay 50 jir ayaa maqaaxi ku laheyd deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoo gacanta ku heysay nolosha afar caruur ah oo waxbarata iyo waalidiinteed oo da’ ah.

Ehellada Maamo Khadiijo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askari ka mid ah ciidan aad u hubeysan oo gaadiid Beebayaal ah wata oo ka yimid dhanka magaalada Muqdisho una socday dhanka Afgooye uu dilay haweeneydaas.

Sidoo kale ehellada oo tilmaan ka bixiyey ciidankaas ayaa shaaciyey in ciidankaas laga kaxeeyey xerada Nacnac oo ku taalla degmada Wadajir, isla markaana ay u gudbeen dhanka degmada Afgooye.

Waxay sheegeen in askarigaas uu si jees-jees ah u dilay Maamo Khadiijo Maxamed oo u soo kalahday inay shidato maqaayadeeda, inta aan laga soo bixin salaadii subax ee Jimcihii maanta.

Ugu dambeyntii ehelladu waxay dowladda ka dalbadeen inay u cadaalad fasho oo loo soo qabto askarigii dilay Khadiijo Maxamed ee hadana dadkii goobta ka ag dhawaa u diiday inay u qaadaan goob caafimaad, si nolosheeda loo badbaadiyo.

Hoos ka daawo