Guddigii uu Faarax magacaabay oo ku hanjabay inay shaqada joojin doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka ee Somalia ee uu Faarax C/Qaadir magacaabay, Xildhibaan Maryan Cariif ayaa sheegtay in Caqabado badan uu horyaalo dib u eegista Dastuurka KMG.

Maryan Cariif ayaa sheegtay in ay jiraan wada shaqeyn la’aan heysata Gudiga loo xil saaray Dastuurka waxa ayna carabka ku dhufatay in gudiga uu halis ugu jiro inuu ku dhaqaaqo shaqo joojin.

“Waxaa naheysta wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan gudiga loo xilsaaray Dastuurka KMG, sababtu waxa ay tahay wado shaqeyn la’aan iyo xiriir aan wanaagsaneyn oo dhexdeena ka jirto, haddii aan wax laga qaban waxa uu gudigu halis ugu jiraa inuu ku dhaqaaqo howl joojin”

Xildhibaan Maryan Cariif ayaa sidoo kale, sheegtay in dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid in Dastuurka KMG ah Baarlamaanka la horgeeyo,iyadoona intaa ku dartay in si deg deg ah loo hor geyndoono Baarlamaanka, waa haddii shaqada gudiga wax laga bedelo.

Dhanka kale, Ujeedka Gudiga dib u eegista dastuurka madaxa banaan ayaa ah in sixitaan quta dheer lagu sameeyo,inkastoo Gudoomiyaha gudiga uu ka cabanaayo shaqo la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com