Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo Muqdisho isaga baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in inta badan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay ka baxayaan magaalada Muqdisho muddo todobaad gudihiisa ah.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiyaasha degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Howl-wadaag, Shibis, Cabdicasiis, Waabari, Heliwaa iyo degmooyinka kale ay safar u yihiin dalka Turkiga, islamarkaana ay qaateen fasax nasiino ah, kaas oo aan waqti go’an laheyn. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kadib cabsi soo wajahday guddoomiyaasha oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay wajahayay weeraro qaraxyo ah iyo dilalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Qaar kamid ah guddoomiyaasha  degmooyinka ee safarka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada xumaatay oo aan la sii joogi karin inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah. 

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay bixi doonaan guddoomiye ku xigeeno degmooyinka gobalka Banaadir ah.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaan inta badan amnigood adkeyn, mana haystaan baabuurta aanay xabadda karin ee wasiirada iyo xildhibaanada qaar ay wataan, taasi oo ka dhigtay kuwa u nugul weerarada Al-Shabaab.