Col. Macow: Al-Shabaab way ka gudbeen inay qarxiyaan xarumaha kadibna weeraraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ah qabiir amni ayaa ka hadlay dagaalka ay Al-Shabaab ku qaadeen gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, kadib wareysi dheer oo uu siiyey Telefishinka Universal.

Korneelka oo horey uga mid ahaa saraakiisha sar sare hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in haatan xoogaga kooxda Al-Shabaab ay ka gudbeen inay is qarxiyaan, kadibna ay weeraraan xarumaha, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda uu yahay inay galaan Itoobiya.

“Al-Shabaab way ka gudbeen isku qarxi, kadibna xarumaha weerar marka ujeedada ay meeshaas u aadeen ma ahan in ciidan meesha joogo kusoo duulaaan, laakiin ujeedkooda waxaa waayey inay u gudbaan gudaha Itoobiya,” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa faahfaahiyey sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay ka gudbaan dhanka gobolka Hiiraan, una tallaabaan Itoobiya. Macow ayaa sheegay in dagaalayahannada kooxda ay mareen dhanka Beer Gadiid, halkaas oo aysan joogin ciidan.

“Beer Gadiid ayey kasoo gudbeen waxay u dhexeysaa Jawiil iyo Matabaan dhulkaas buuraleyda ah ayey kasoo gudbeen marka wadda waxaa jirta xuduuda Itoobiya dhinaca waqooyi ka geleyso Feer-feer, taas ayey ka gudbeen meeshaas ciidan dowladeed ma joogaan, ciidanka waxa ay joogaan Matabaan raca kalena wuxuu joogaa kala beerka,”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in awooda kooxda ay korortay, markii laga gaabiyey weeraradii iyo howlgallada ay wadeen ciidamada huwanta ee ku sugan dalka.

“Al-Shabaab 5-tii sano ee lasoo dhaafay lala ma dagaalin marka awoodo badan oo ay ku dhaq-dhaqaaqaan ayey leeyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dagaalka ka socda xadka Itoobiya ayaa saameyn ku yeeshay dowlad deegaanka, waxaana ciidamadii ugu badnaa haatan ay soo dhoobtay xaduuda labada dal, si ay uga hortagaan duulaanka culus ee ay xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen qaybo ka mid waddanka Itoobiya.