Maamulka HirShabelle oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan doorashada 2020

Jowhar (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed ay soo saareen maamul goboleedka HirShabelle ayaa waxaa lagu caddeeyey mowqifka maamulk ee doorashooyinka dalka uu geli rabo sanadaha 2020/2021.

War-saxaafadeedka oo ka koobnaa ilaa Lix (6) qodob ayaa waxyaabihii looga hadlay waxaa ka mid ahaa in mamulka HirShabelle uusan aqbali doonin muda kororsiga ay doonayso xukuumadda Soomaaliya iyo in dalka ay ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah sida balankuba ahaa.

Maamulka HirShabelle ayaa sheegay in dalkaan ay kasoo dhaceen colaado beeleed isla markaasna aan weli laga soo kabsan sidaas darteedna aysan macquul aheyn in si deg deg ah looga gudbo doorashada ku dhisan qabiilka ee markii hore xalka loo arkay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada maamulkaas 50% ay kasoo jeedaan Beelaha laga tirada badan yahay sidaas darteedna aysan aqbali karin in doorashada laga badalo habka 4.5, maadaama haddii laga badalo ay ka dhallan karto in beelaha yar yar ay waayeen matalaadooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka HirShabelle ayaa ku soo aaday xilli maanta magaalada Jowhar ay ku kulmeen madax ka socota Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorshooyinka dalka.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran