Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya Sacuudiga iyo ujeedada safarkiisa oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimadda Online): Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa iney maanta u amba-baxaan boqortooyadda Sacuudiga, waa markii sadexaad ee madaxweynuhu booqanayo dalkaas tan iyo doorashadii 8-dii Febraayo.

Ilo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa u sheegay Caasimadda Online in ujeedada safarka madaxweynaha ay tahay fulinta balamadii ay labadda dal horey uwada galeen, marnaba lama rajeynaayo in booqashadaan lagu soo qaado in Somalia ay ka tanaasusho go’aankeedda dhex dhexaadnimadda ee qilaafka wadamadda Carabta madaama Sacuudigu ay sheegeen iney xushmeynayaan go’aanka Somalia.

Sacuudiga ayaa aaminsan in wadamadda Qatar,Turkiga iyo Emirate-ku ay kaga horeeyaan hogaaminta doorka siyaasadeed ee Somalia laakiin waxaa u muuqata fursad kale oo ah inaan hormarinta iyo maal-gashiga loogaga adkaanin waxaana la filaya in madaxweyne Farmaajo iyo Sacuudiga ay guda galan fulinta waxyaabihii lagu balamay.

Boqortooyaddu waxaa ay horey u sheegtay in kaalmadeeda Somalia ee ay horey u balan qaaday aaney waxba ka badali doonin go’aankii ay Somalia ka qaadatay khilaafka wadamadda Qaliijka inkastoo ay jeclayeen iney Somalia dhankooda la safato.

Horey wasiiro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa Sacuudiga ugu gudbiyay hanaanka ay Somalia u rabto in loo maareyo deeqaha ka imaanaya Sacuudiga .

Booqashadda uu maanta madaxweyne Farmaajo ku tagaayo Sacuudiga ayaa kusoo aadeysa xili aad xasaasi u ah oo maamul goboleedyo badan ay taageereen garabka Sacuudiga iyo Emirate-ka .

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimadda@live.com