Xildhibaano u shiray Shariif Xasan oo go’aan mideysan qaatay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay go’aankii dhowaanka ka soo baxay  Madaxweynaha Koofur Galbeed ee taageerada loogu muujiyay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray Qatar.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen  in uusan Madaxweynaha Koofur Galbeed uusan kala tashan go’aanka uu gaaray, isla markaana uu yahay mid uu ku deg degay.

Xildhibaan Cali Xasan Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur galbeed uu ku xadgudbay dastuurka isla markaana uu go’aan keligiisa ah iska qaatay.

“Qodobka 49-aad ee Dastuurka JFS waxa uu qoraya in Maamul goboleedyada ay xubin ka yihiin dowladda dhexe sidaas darted awood uma lahan shariif xasan in uu dhaliilo go’aanka dowladda dhexe ay qaadatay” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xasan Cismaan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Maamul goboleedyada looga baahan yahay in go’aanada arrimaha difaaca iyo arrimaha dibadda ay dowladda dhexe uga dambeeyaan oo aysan ka daba hadlin sida uu sheegay.

Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa si wadajir ah ugu baaqay in Madaxweyne Shariif Xasan in uu ilaaliyo dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla, waxaana ay dowladda Federaalka ku amaaneen go’aanka dhex dhexaadnimada ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka.