Maxay tahay sababta keentay inay dowladda Itoobiya eedeeyn kulul u jeediso Maamulka Somaliland?

Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in barakicin lagu hayo dadka Oromada ee ku sugan deegaanada Maamulka Somaliland,kuwaasi oo hadda cabsi la soo deristay.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Itoobiya Negeri Lencho ayaa sheegay in Maamulka Somaliland mas’uul ka yahay barakicin lagu hayo dadka Oramada ah ee kunool degaanada maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay hareer martay Sharciga Qaxootiga iyo Muwaadiniinta Itoobiya ,islamarkaana degaanada ay xoog uga saartay dad Oromo ah.

Waxaa uu ku eedeeyay in Somaliland 3,000 oo qof oo Oromada ah ay qasab uga barakiciyeen degaannada Waqooyiga Somaliland,islamarkaana ay wali sii waddaan.

Wasiirka ayaa xusay in ay waddaan baaritaano ku aadan Waxyaabihii Sababay dagaalkii dhexmaray Oromada iyo Soomaalida.

Waxaa jirta Xiisad u dhaxeeyso dadka Oromada iyo Soomaalida ku dhaqan dalka Itoobiya kuwaasi dad badan iska dilay.