Mareykanka iyo UK oo war kasoo saaray jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradaha dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa war kasoo saaray shirkii shalay Muqdisho ugu soo dhammaaday madaxda Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Safaaradda UK oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa xustay inay soo dhaweneyso war muriyeedkii shalay kasoo baxay shirkii mudada labada maalin aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga socoday magaalada Muqdisho kaasoo lagu soo bandhigay jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay rajo weyn ka leedahay in doorashooyinka Soomaaliya ay kusoo dhamaato si nabad ah. Sidoo kale waxay bogaadisay in kaalin fiican doorashada laga siiyo Haweenka Soomaaliyeed.

“Dowladda UK waxay soo dhaweeneysaa shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey iyo dadaalka joogtada ah ee lagu abuurayo is afgarad ku saabsan sidii horey loogu sii socon lahaa. Waxaan rajeyneynaa in dhawaan doorashada ay u dhacdo si nabad ah oo lagu kalsoonaan karo isla markaasna door fiican laga siiyo haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey twitter-ka ayaa lagu amaanay jadwalka cusub ee doorashada Soomaaliya ee laga soo saaray kulankii Shalay ugu soo dhamaaday Muqdisho Golaha Wadatashiga Qaranka.

Mareykanka ayaa ku baaqay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo qaab nabdoon iyadoo la raacayo waqtiga loo dajiyey inay ku dhamaato.

“Waxaan xuseynaa gabagabadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ku boorineynaa sii wadida wadahadalka wax ku oolka ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada si doorashooyinka loogu soo gabagabeeyo qaab nabdoon, loo wada dhan yahay, oo hufan iyadoo la raacayo waqtiga loo dejiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Safaaradaha Mareykanka iyo UK ayaa imaanaya xilli Shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii u socday Shirka Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada  kaasoo laga soo saaray saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda ayaa isla meel dhigay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhacdo 25-ka July, 2021-ka.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa loo asteeyey mudada u dhaxeyso 10-ka August illaa iyo 10-ka September, 2021-ka.

Doorashada sida weyn loogga wada sugayo ee Madaxweynaha ayey hoggaamiyeyaashu ku heshiiyeen iney qabsoonto 10-ka October, 2021-ka.