Maxaa ka jira in Farmaajo uu tagayo Imaaraadka isagoo ka walaacsan isbahaysiga Fahad, Kheyre iyo Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo hoos tagay warbaahinta African Intelligence, ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqan doono dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Wargeyska ayaa ujeedada booqashada Farmaajo ku sheegay inuu mas’uuliyiinta dalkaas la samaysto isbahaysi cusub islamarkaana u xaqiijiyo inuu yareyn doono saameynta Qatar ay ku leedahay Soomaaliya.

Sida warbixintan lagu sheegay, madaxweynaha ayaa ka walaacsan isbahaysi hoose oo ay sameysteen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenka iyo sii-hayaha agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin iyo nin aan la shaacin magaciisa oo madax ka ah shirkad soo saarta shidaalka.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in saddexdan mas’uul ay dowladda Kenya kala shaqeynayaan inay la galaan heshiis aan la shaacin waxa uu yahay.

Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo uu rumeysan yahay in Kheyre uu xiriir qarsoodi ah la sameystay Qatar, oo maal-gelin doonta ololihiisa doorashada 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa Kheyre siiyey awood ballaraan si uu u xoojiyo taageeradiisa gudaha.

Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha, waxay sheegeen inaysan illaa iyo hadda waxba ka ogeyn booqasho la qorsheeyey in madaxweynaha uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u beeniyey sax ahaanshaha warbixinada la xiriira tuhunada labada mas’uul ay kala qabaan, waxayna ku qeexeen wax aan jirin oo lagu qoslo.

Tuhunka ku saabsan in Kheyre uu madaxweyne isku sharxayo 2021 waa mid muddo taagnaa, hase yeeshee weli ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com