Saciid Deni oo si carro leh uga hadlay socdaalkii Kheyre ee Waqooyiga Gaalkacyo

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday magaalada Garowe ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa.

Dani ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland.

“Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo.

Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com