Maxay ka wada hadleen Ra’isulwasaare kheyre iyo Waare?

Dhuusamareeb (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa  gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay,mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaallada Dhuusamareeb waxa uuna halkaasi kulan soo dhaweyn ah kula la qaatay Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalaada  Dhuusamareb ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada Arrimaha dib uhishiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhowaan dagal uu ku dhex maray deegaano hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ra’isulwasaaraha iyo Waare ayaa isku afgartay in si deg deg ah loo xaliyo dagaalada qabiil ee ka taagan Degmada Matabaan.

Intaasi kadib Wasiir Dowlada Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Faarax Wehliye iyo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kasoo sagootiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan