Shirkii Beelaha Habargidir oo si rasmi ah uga furmay Hobyo

Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ka furmay Shir ay halkaas ku yeelanayaan waxgaradka beel kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

Shirka oo horay loo iclaamiyey in 15-ka bisha oo ku beegneed maanta uu ka furmo magaalada Hobyo ayaa furmay waqtigii loo asteeyey, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Hobyo ka dagay diyaarado siday Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed shirkaas ka qeyb galaya.

Shirka ayaa waxaa isugu imaaday Beelaha Habargidir ee dago deegaanada Galmudug, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka Galmudug.

Amaanka magaalo xeebeedka Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana markii uu soo dhamaado shirkaas oo maalmo ka soca doona halkaas lagu  wadaa in qodobo laga soo saaro markii uu soo idlaado.

Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com