27.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

Maxay yihiin ciidanka cusub ee Jabuuti usoo dirtay Somalia?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Ciidamadan ayaa la filayaa in ay berri oo Isniin ah soo gaaraan dalka, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan guutada 13-aad ee Hiil Walaal.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamadan cusub ay qayb ka yihiin qorshe lagu xoojinayo howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, oo weli ka dagaallanta qaybo ka mid ah dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadan la geyn doono deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo ay ku biiri doonaan ciidamo ka socda Jabuuti oo horay uga howlgeli jiray gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee ciidamadan loo dirayo ay tahay in la xoojiyo ammaanka, isla markaana la kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti, Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa kormeer ku sameeyay ciidamadan ka hor inta aan loo soo dirin Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran howlgalka nabad ilaalinta.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada ku booriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee ka socda howlgalka AUSSOM, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgeli doonaan.

Si kastaba, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa hore u gaaray heshiis ku saabsan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la qorsheynayo in la ballaariyo howl-gallada militari si loo gaarsiiyo deegaannada weli ka maqan gacanta dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News