Mumbai (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka India, Danjire Cabdullaahi Maxamed Odawaa ayaa xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalkaas.
Danjiraha ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra, halkaas oo uu kula kulmay 44 muwaadin Soomaaliyeed oo ay hore u qabteen ciidanka ilaalada badda ee Hindiya xilli ay ku sugnaayeen badweynta Hindiya.
Safiirka ayaa tegay xabsiga ay ku xiran yihiin muwaadiniintaas, isagoo u kuur-galay xaaladdooda iyo duruufaha ay ku nool yihiin, isla markaana u muujiyay garab istaag iyo in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii xal sharci iyo diblomaasiyadeed loogu heli lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in muwaadiniintan Soomaaliyeed ay muddo dheer ku jireen xaalad maxkamad sugayaal ah, taasoo keentay walaac ay muujiyeen qoysaskooda iyo dadka Soomaaliyeed ee la socda xaaladdooda.
Si kastaba, dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ayaa ugu dambeyn suurageliyay in la qabto fadhigii koowaad ee maxkamadda ee lagu dhageysanayo dacwaddooda.
Fadhiga koowaad ee maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odawaa, iyadoo la filayo in fadhiyada xiga la dedejiyo si kiiskan uu u gaaro gunaanad sharci.
Safiirka ayaa muujiyay rajo weyn oo ku aaddan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u heli doonaan xorriyadooda, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto difaaca xuquuqda iyo daryeelka muwaadiniinteeda ku sugan dibadda.




