Meydka Ganacsade Abuukar Kaabax oo lagu aasay amar maxkamad – Maxaa socda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax ayaa galabta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa la sheegay in ehellada marxuumka ay ku amartay inay meydka aastaan, iyadoo loo xaqiijiyey in maalmaha soo socda kiiska dilkiisa ay maxkamaddu u fariisa doonto.

Toddooba qof oo shan askar tahay, isla markaana uu ku jiro taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye ayaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago maalmaha soo socda.

Raggaas ayaa loo heystaa inay dileen ganacsade Abuukar Axmed Kaabax, kadib markii laga afduubtay gudaha degmada Heliwaa, kadibna lagu dilay degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Baaritaan culus ayaa ku socda ragga loo soo qabtay dilkaas, kuwaas oo isugu jira taliyihii saldhigga, askar iyo labo nin oo la aaminsan yahay in arrimo ganacsi ay isku hayeen Abuukar.

Toddobaadkii 3-aad oo meydka marxuumka uu qaboojiye ku jiray ayaa socday, balse waxaa galabta lagu aasay amar ka soo baxay maxkamadda ciidamada oo xaqiijisay in kiiskaan ay u fariisa doonto maalmaha soo socda.

Dhinaca kale, ehellada ganacsade Abuukar Kaabax ayaa galabta warbaahinta kula hadlay qabuurihii lagu aasay, iyagoo beeniyey in dilkii wiilkooda laga heshiiyey oo ay diyo qaateen.

Suldaan Daahir oo ka mid ah ehellada Allaha u naxariistee Abuukar Kaabax ayaa dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyey inay wiilkooda ku aasteen amar ka soo baxay maxkamadda, isla markaana aysan jirin wax gorgortan ah oo cadaaladda kiiskaas ay ka gelayaan.

Ehellada ayaa ku adkeysanaya in cadaaladda la marsiiyo ragga loo soo qabtay dilka wiilkoodii, arrinta naxdinta leh waa in kiiska uu ku lug-yeeshay taliyihii booliska degmadii uu ku noolaa muqaadinka la dilay.