Xog cusub: Nin kasoo jeeda beel la liido oo lagu gubay Muqdisho sababo guur

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday qiso xanuun badan oo ay la yaabeen dadka Soomaaliyeed kadib markii nin la dilay haddana la gubay.

Shabakadda Caasimadda oo soo xiganeysay dad goobjoogayaal ah ayaa markii hore tabisay in ninka la dilay ee la gubay uu ahaa nin gabar ka guursaday cid balse sheekada sidaas uma dhicin waxaana hadda soo baxay warar xaqiiq ah oo arrintaas ku saabsan.

Ninka la dilay ee la gubay ayaa adeer u ahaa nin kasoo jeedo Beesha Jareerweyne oo Gabar ka guursaday cid aysan isku heyb aheyn, qoyska gabadha laga guursaday oo xanaaqsan ayaa weeraray Ninkaan isagoo ku jiro Shaqadiisa caadiga ah oo sameynta Gawaarida.

Ehelada Ninkaas oo lagu magacaabo Axmed Muqtaar Saalax ayaa waxa ay ka sheekeeyeen qaabka ninkaasi loo dilay kadibna loo gubey.

Waxaa ehelada ninkaas ay sheegeen in hooyada dhashay gabadha wiilka la siiyey iyo walaalaheed ay weerareen, isla markaana markii hore ay ku dhufteen waran, intaasi kadibna ay dhaawac soo gaarey kadib ay dab qabadsiiyeen, sidaasina uu ku dhintay ninkii adeerka u ahaa wiilka Gabadhooda guursaday.

Dhacdadaan maanta ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka badanaa lagula kaco dadka laga tirade badan yahay ee jeclaada gabdhaha ka dhashay qabiilada awoodda ku leh Soomaaliya.

Ninka la gubay ayaa ifka kaga tagay Laba Xaas iyo 12 Ilmo oo ay u kala dhaleyn wuxuuna ahaa nin weyn oo ilmiisa usoo shaqo tagay.

Aabaha dhalay ninka la dilay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay arrintaas, wuxuua kaloo sheegay inuu Ninkaas ahaa midka uu ugu jecelaa  ilmihiisa.

Dadkii falkan gaystay Ayaan weli wax tallaabo ah aysan ka qaadin dowladda, mana jiro wax war ah oo dowladda kasoo baxay.

Sawirrada ninkan laga gubay oo aad loo wareejinayo baraha bulshada, islamarkaana ay heshay Caasimada Online, ayaan usoo gudbin karin akhristayaasha, sababo al xiriira inaan xaqiiqdii la eegi karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com