Muuse Biixi: Soomaalinimo ma diidanin balse waxaan kasoo horjeednaa jujuubka siyaasadeed

Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha siyaasadeed & wada-hadalka Dowladda Federaalka ay la yeesheen.

Waxa uu sheegay in aysan diidaneen Soomaalinimo, isla markaana ay qayb ka yihiin Soomaaliweyn, balse ay kasoo horjeedaan in lagu jujuubo (Af-qabto) marka laga hadlayo dhanka Siyaasadda.

Muuse Biixi ayaa sheegay in wax waliba oo dhaca in aysan meesha ka saareyn Soomaalinimada oo ah mid ka dhaxeysa Shanta qaybood, balse lagu kala duwan yahay dhacdooyinkii dhicay & sada looga falceliyay.

“Marka la yiraahdo dadka Somaliland waxa ay diidan yihiin Soomaalinimo waa Xaashaa kallaah, Soomaalinimo waan ku faanaa, waan ka dhalanay, laf & dhiig ayaan ka nahay, waana jecel nahay in ay wax qabsato oo horumar gaarto, balse waxa xun ayaa ah in la dhaho waxa aad tihiin labo Gobol waana ku qasban tihiin in aad u hoggaansanaataan wax waliba” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waa uu sii hadlay Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland waxa uuna sheegay in aysan qaban hadallada qaar ah ee Siyaasadeysan oo uu ku tilmaamay kuwo wax sii kala fogeynaya halkii laga raadin lahaa xalka wanaagsan.