Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor inta uusan u dhoofin Mareykanka kala hadlay Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Cismaan Jawaari mooshin uu doonayo in xilka looga qaaday R/W Cabdi Weli, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Cabdi Weli.
Wararka ayaa sheegaya in Jawaari uu ka cududaartey in mooshinkaan ka dhan ah Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh uu hormuud ka noqdo madaama beesha caalamka oo tageerta dowlada aysan raali ka aheyn xil-ka qaadis lagu sameeyo waqtigaan Wasiirka Koowaad.
Si kastaba, Jawaari waxa uu madaxweynaha u sheegay haddii xildhibaannada baarlamanka ay keenaan mooshin uusan hor-istaagi karin, sharci ahaan.
Madaxweynaha Dowlada Federaalku Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hor inta uusan u dhoofin wadanka Mareykanka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka uu kala hadley sidii mooshin xilka looga qaadayo Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh loo horgeyn lahaa golaha wakiilada, sida ay Caasimada Online ogaatay.
Xildhibaanada Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah kala balamey iney mooshinkaan keenaan ayaa gaaraya 75 xubnood kuwaasoo la filayo iney kalfadhigaan keenaan qoraal ka dhan ah Ra’isal wasaaraha.
Lama oga sababta keentay in Madaxweynaha Dowlada Federaalku waqtigaan soo jeediyo in Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh xilka laga qaado, balse ila wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa tibaaxaya in go’aankani uu salka ku hayo khilaaf in muddo ah soo jiitamayey kaasoo sii xoogeystey markii xil-ka qaadista lagu sameeyey dhowaan taliyihii hore ee Ciidamada Nabad Sugida Sanba-looshe.
Madaxweynaha ayaa ogolaaday xil-ka qaadista Sanbaloolshe balse taas bedelkeeda wuxuu bilaabay inuu mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaaraha olole uga galo dhinaca xildhibanaada kuwaasoo dhowaan uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay.
Barlamaanka Federaalka ayaa horey mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaare Saacid xilka uga xayuubiyey kadib khilaaf muddo soo jiitamayey ee u dhexeeyey isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Wararka ku xeeran xil-ka qadista la damacsan yahay in lagu sameeyo Ra’isal wasaare Cabdiweli Shiikh ayaa waxaa in muddo ah riixayey koox diimeedka lagu magacaabo Damul-jadiid kuwaasoo si aad ah ugu dhow Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh.
Kooxdaan ayaa raadineysa labada sano ee ka dhiman xilka Madaxweynaha Somalia Ra’isal wasaare siyaasad ahaan la jaan qaadi kara kaasoo aan laheyn damac siyaasadeed oo dhaafsiisan doorashada la filayo iney dhacdo 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]