Muxuu Kenyatta ka yiri xil wareejintii dhex martay Xasan iyo Farmaajo

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil wareejintii shalay ka dhacday Madaxtooyada Somalia.

Uhuru Kenyatta, ayaa xil wareejinta uga hadlay shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Madaxtooyada Kenya waxa uuna tilmaamay in hanaanka ay u dhacday xil wareejintu ay tahay mid ku dayasho mudan.

Uhuru Kenyatta, waxa uu sheegay in xil wareejintu ay tusmo u tahay horumarka ay Soomaalidu ka gaaren dhanka Siyaasada, waxa uuna ku baaqay in talaabo waliba ay noqoto mid ay Soomaalidu ku heshiiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Uhuru Kenyatta, waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Dowlada Kenya ay ku riyaaqday degnaanshiyaha ay xilka ku kala wareegen Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha cusub Farmaajo.

Kenyatta waxa uu sidoo kale, sheegay in wax lagu farxo ay tahay in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaato Doorashadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in xil wareejintii shalay ay cadeyn u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in iskaashiga u dhaxeeya Somalia iyo Kenya uu hada yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah.

Haddalka Uhurro Kenyatta ayaa imaanaya xili maalmo un ka hor uu qaadacay martiqaad uu ka helay Madaxweynaha Somalia si uu uga qeybgalo caleemasaarka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com