Sidee buu Farmaajo u fulin doonaa ballan qaadkii uu u sameeyay shacabka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka madaxtinimo ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay mid ay ku dheertahay Soomaalinimada waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ka dhabeynaayo hadafkiisa ku aadan Horumarinta dalka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu qorsheynaayo in muddo kooban uu ku muujiyo dhammaan howlihii uu ballanqaaday, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya inay adagtahay in la horumariyo dalka misna laga dhaliyo amni ku filan Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeen doonto hormarka dalka waxaana uu dalbaday in shacabku ay qaataan kaalintooda oo ay kala shaqeeyaan nabadgalyada islamarkaana ciiddamada amaanka ay Taageeraan.

Waxa uu sheegay inay sahlan tahay hanaanka lagu horumarinkaro dalka, gaar ahaan Siyaasada, Amniga iyo Cadaalada, haddii la helo Dowlad iyo shacab wada shaqeeya.

”Dowladeydu wey ka go’an tahay inay fuliso dhammaan waxyaabihii ay ballanqaaday waxaan ku baaqayaa in Shacbiga ay garab istaagaan Ciidamada oo kaalinta koowaad noogu jira”

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu carab dhabay inaanu ka weecan doonin dhammaan ballanqaadyadii uu u sameeyay shacbigiisa, waxa uuna ku celceliyay inay adkaan doonto shaqada waa haddii aanu garab laga helin shacabka.

Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo oo shalay la wareegay xilka ayaa waxaa sugaaya howlo aad u farabadan oo ay ugu horeyso wax kaqabasho sida abaaraha, magacaabida Ra’isulwasaaraha, Siyaasada, Amniga iyo Cadaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com