Nasrullaah oo banaanka soo dhigay cida ka danbeysay Iscasilaadii Sacad Xariiri

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ururka Xisbullaah Xasaan Nasrullaah oo hadlay ayaa boqortooyada Sucuudiga ku eedeeyay in ay ku qasabtay Ra’isulwasaarihii Lubnaan Sacad Xariiri in uu is casilo.

Xariiri ayaa xilka iska casilay xili uu ku sugnaa dalka Sucuudiga, wuxuuna ka hadlay taleefishinka Sucuudiga laga leeyahay ee Al Carabiya. Wuxuu sheegay in uu naftiisa u baqay, islamarkaasna dowladda Iraan ay dhibaato ka waddo gudaha Lubnaan.

“Ma ahayn go’aankiisa, iyo rabitaankiisa, waa mid lagu qasbay” ayuu yiri Xasan Nasrullaah oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee Lubnaan, islamarkaasna madax ka ah ururka hubeysan ee Xisbullaah, ee shiicada ah.

Wuxuu ku baaqay in degenaan laga dhaliyo dalka Lubnaan, isaga oo sidoo kale su’aal ka keenay in Xariiri uu kusoo laaban doono Lubnaan iyo in kale.

Ciidammada militariga Lubnaan ayaa sheegay in aysan helin wax caddaymo ah oo la xiriira in la dili rabay Xariiri sida uu isaga sheegtay.

Jeneraal Cabbaas Ibraahim oo madax ka ah hay’adda nabad suggida Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in uusan haynin wax xog ah oo ku saabsan in Xariiri la qorshaynayay in la dilo.

Wasiirka arrimaha khaliijka ee Sucuudiga Tamar A-Sabhaan ayaa sheegay illaalada Xariiri ay xaqiijiyeen in uu jiray qorshe lagu dilayo Ra’isulwasaaraha, waxase dhanka kale uu beeniyay in Sucuudiga ku cadaadiyeen in uu is casilo.

Sacad Xariiri ayaa sheegay in uu dareemay wax u eg jawi kii aabihiis lagu dilay oo kale, Rafiiq Xariiri ayaa la dilay sanadkii 2005-tii.

Dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in is casilaadda Xariiri ay Lubnaan galisay xasilooni daro siyaasadeed. Waxaana farta lagu fiiqayaa hardan u dhaxeeya Shiicada iyo Suniga guud ahaa Bariga Dhexe.

Xariiri ayaa saddex jeer Ra’isulwasaare usoo noqday, markii ugu dambaysay waxa uu xilkan qabtay sanadkii 2016-kii.

Safaro dhawr ah ayuu dhawaanahan ku tagay Sucuudiga, halkaas oo maalintii sabtida uu kaga dhawaaqay is casilaadiisa.

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com